Taliyihii Asluubta oo Gacanta lagu dhigay

Muqdisho (KON) - Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa Gacanta ku soo dhigay Taliyihii hore ee Ciidamada Asluubta oo horey Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ay ku riday xukun Xabsi daa’in ah.
Warar Keydmedia Online
Taliyihii Asluubta oo Gacanta lagu dhigay

Janaraal Saciid Axmed kadiye oo ah Taliyaha laanta danbi barista ee CID-da ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka Soomaaliya ay Gacanta ku soo dhigeen Cor. Cabdi Maxamed Cismaan oo ahaa Taliyihi hore Ciidamada Asluubta Soomaaliya.

Janaraal Saciid ayaa sheegay in Sarkaal kaan lasoo qabtay uu xiriir dhow uu lalahaa Maleeshiyada Al-shabab, isagoona loo heestay danbi ah in Maxaabis farabadan oo Shabab ah in uu kasii dayay Xabsiga dhexe Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in ay jiraan Rag Dawladda ka tirsano oo Gacansaar toos ah la leh Kooxda Argagixisaad Qaacida-Shabaab.

Taliyaha laanta danbi barista ee CID-da oo la hadlayay Warbaahinta ayaa yiri: "Dambiile Cabdi Maxamed Ismaaciil Ex- S/guuto oo maxkamada ciidamada qalabka sida ku xikuntay xabsi daa’in kadib markii uu gacan saar la yeeshay Shabaab markii la ogaadayna uu ka baxsaday dalka, isagii oo caawa saacadu markey aheyd Laba saac iyo bar ku dhuumaaleysanaya xaafada Madiina ayaa ciidamada amniga oo hore ugu raad joogay ku guuleysteen iney gacanta ku soo dhigaan"

Waa Taliyihii labaad oo isagoo maamula Xabsiga dhexe Xamar lagu eedeyo inuu la shaqeenayay Maleeshiyada Al-shabab.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho