Sanadguurada 1aad ee Dowlada Federaalka – Toronto // Daawo Sawirrada

Toronto (KON) - Iyadoo 10-ka Bishaan ee September 2013 ay ku aadan tahay Sannadkii Guuradii 1aad ee ka soo Wareegtey Markii Hogaanka Dalka loo Doortey Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada lagu xusay Sanadguuradaas.
Warar Keydmedia Online
Sanadguurada 1aad ee Dowlada Federaalka – Toronto // Daawo Sawirrada

Waxaa Maqaayada weyn ee ISTART RESTAURANT lagu qabtay xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ayna kasoo qeyb galeen qaar kamid ah Xildhibaanada Dowlada Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka dirsan wasaarada Arimaha Dibada iyo Xiriirka Caalamiga iyo wasaarada Horumarinta iyo Adeega Bulshada ee xukuumada Soomaaliya, madax katirsan maamulka Galmudug State, Odayaasha, Culumaa udiinka, Haweenka, dhaliyarada, bahda Sport-ga, bahda Fanaaniinta iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee Jaaliyada Toronto.

Xafladaan oo ay marti gelisay soona abaabushay milkiilaha Maqaayada ISTAR RESTAURANT Marwo Istar Cali Ganeey ayaa aheyd Xaladii ugu horeysay ee nooceeda ah ee kadhacda aduunka ee loogu dabaal degayay Sanadguuradii Koowaad ee kasoo wareegatay markii talada Dalka loodoortay Mudane Xasan Sheelh Maxamuud.

Sida caadadada ah markii kulamada noocan ah leyskuugu yimaado, waxaa lagu furaa aayado Quraan ah iyo wacdi diini ah, waxaa isla markiiba lagu soo dhaweeyay makrafoonka Sheekh Axmad Qalaafe oo kamid ah culimaa udiinka maagalada Toronto oo wacdi iyo waano kusaleysan diinta Islaamka kajeediyay goobta kulana dardaarmay ummada Soomaaliyeed kuwooda xilka haya, kuwii xilalka hore usoo qabtay iyo shacabka Soomaaliyeedba inay kashaqeeyaan nabada iyo wada noolaashaha taasoo lagu gaari karo xal waara.

Waxaa kadib halkaa lagu soo dhaweeyay Marwo Istar Cali Ganeey oo iyana u mahadcelisay marti sharaftii kasoo qeyb gashay munaasibadaan lagu xusayay Sanad Guurada Koowaad ee kasoo waregatay Maalintii ay curatay Dowlada Federaalka Soomaaliya. Marwo Istar ayaa warbixin kooban kasiiyay Jaaliyadda iyo Martidii waxqabadka iyo guulaha ay gaartay Dowlada Federaalka Mudada sanadka ah ay jirtay.

Waxaa kaloo  halkaa kahadlay Xildhibaano katirsan dowlada Federaalka Soomaaliya kana mid ah Jaaliyada Reer Toronto Xildhibaan Cali Nuur Xuseen Boodaaye iyo Xildhibaanad Sacdiya Careys Ciise Kaarshe , oo iyaguna kawarbixiyay xaalada guud ee dalka, horumarka dowlada Sanadkii ay jirtay iyo waxa looga baahan yahay qurba joogta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda kusugan dalka Canada. Waxaa kaloo halkaa ka hadlay Qunsulksa Soomaaliya u fadhiya dalka Qadar.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Horumarinta iyo Daryeelka Bulshada oo iyagana ka warbixiyay waxqabadka iyo horumarka ay gaareen labada wasaaradood ee ay ka kala socdaan kulanna dardaarmay shacabka Soomaaliyeed inay muruqooda, maalkooda iyo maskaxdooda lagarab istaagaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed sidii ay sharaftoodii iyo karaamadoodii usoo ceshan lahaayen, labadan mas’uul ayaa iyaguna ka tirsan Jaaliyada Reer Toronto.

Waxaa kaloo halkaasi kusugnaa Wasiirka Wasaarada Caafimaadka maamul goboleedka Galmudug Prof. Dr. Cabdulaahi Xasan Cilmi ‘Dr. Jeemis’ wuxuuna ku booriyay in lataageero dowlada Federaalka Soomaaliya isagoo xusay in muddada Sanadka ah ay dowladdu jirto ay ku talaabsatay horumar lataaban karo ayna u baahan tahay in lagarab istaago lagalana shaqeeyo horumarka dalka iyo dadka. Dr, Jeemis oo isna katirsan jaaliada reer Toronto ayaa isna u hambalyeeyay Dowlada Federaalka Soomaaliya Sanadguuradooda.

Sida jaaliyada Reer Toronto ay caanka ku tahayba waxaa halkaa ku sugnaa Faanaaniita Qaranka Soomaaliyeed oo ay hogaamineysay Maamadii Fanka Khadiiyo Cabdulaahi Camey ‘DALEYS’ oo iyadu aalaaba aan kamaqnaan In ay buuxiso doorka ay Fanka iyo Fanaankuba ku leeyahay Bulshda Soomaaliyeed, iyadoo halkaasi kaqaaday heeseheedii caanka ahaa ee guubaabinta iyo wacyi gelinta bulshada.

Waxaa iyana halkaasi hadalo kookooban kasoo jeediyay qaar katirsan odayaasha iyo wax garadka jaaliyada Soomaaliyeed ee Toronto una hambalyeeyay dowlada Federaalka iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed horumarka ay ku talaabsadeen, una mahadceliyay milkiilaha maqaayada ISTAR – marwo Istar Cali Ganeey oo iyadu suurta gelisay in madasha kulankan ay marti geliso.

Ugu danbeyntii waxaa halkaasi heesho iyo madadaalo kusoo xiray kulankaas qaar kamid ah fanaaniinta Reer Toronto oo ay hogaamineysay Maama Khadiiyo Cabdulaahi Camey ‘DALEYS’.

Xigasho: Qaranimo Online - [url=http://www.qaranimo.com]http://www.qaranimo.com[/url]


Masawirada oo dhan Halkaan ka Daawo: Qaranimo.com