Sanbaloolshe: Farmaajo ma aha nin tanaasula

Farmaajo ayaan sameynin wax tanaasul ah dhamaan khilaafyadii dalka soo maray mudadii uu Madaxweynaha ahaa, iyadoo tanaasul la'aantiisa keentay dib u dhaca doorashadda Soomaaliya.

News Keydmedia Online
Sanbaloolshe: Farmaajo ma aha nin tanaasula

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyihii hore ee hay'adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe ayaa ku eedeeyay MD hore Maxamed C/llaahi Farmaajo inuusan lahayn siyaasad ku dhisan tanaasul.

Wuxuu sheegay in shantii sano ee uu Farmaajo fadhiyay Villa Soomaaliya ay shacabka barteen dhaqamadiisa iyo siyaasadiisa burburinta ku dhisan, ee dalka gelisay hubanti la'aanta.

Dadka Soomaaliyeed sidii uu shalay u sirey, maanta uma siri karo, way ogaadeen dhagartiisa iyo balamadiisa beenta ah," ayuu yiri Sanbaloolshe.

Sanbalooshe ayaa ku tilmaamay Farmaajo nin aan tanaasulin, oo isa-saxaynin, islamarkaana aan waxba hanbeyn, isagoo taasi ula jeedo in qof walboo ka feker duwan uu iska horleexiyo.

Farmaajo wuxuu duulaan ku qaadey Maamullo, isagoo xukunka ka tuuray dhowr hogaamiye oo kasoo horjeestay siyaasadiisa gurracan, isagoo jaray xiriirka Kenya, Saudi Arabia iyo UAE.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.