Sanbaloolshe ‘Farmaajo Waxa uu raadinayaa RW gadaal indho ku leh’

Taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa sheegay in Madaxweynaha uu doonayo Ra'iisul wasaare la jaan qaadi karo fekerkiisa muddo kororsiga ku dhisan.

Warar Keydmedia Online
Sanbaloolshe ‘Farmaajo Waxa uu raadinayaa RW gadaal indho ku leh’

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyihii hore ee Hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee Cabullaahi Maxamed Cali 'Sanbalooshe' ayaa sheegay in uu madaxweyne Farmaajo ka meer meerinayo magacaabista Ra'iisul Wasaaraha cusub ee dalka.

Sanbalooshe ayaa sheegay in uu madaxweynaha raadinayo Ra'iisul wasaare gadaal indha ku leh, taasoo micnaheedu tahay inaan la arkeyn, isagoona intaa ku daray in madaxweynaha uu jebiyay dhaqan soo jireen ah oo ah in muddo 30 cesho gudahood lagu soo magacaabo Ra'iisul Wasaaraha kale, madaxdii isaga ka horeysayna ku dhaqmi jiray. 

"Farmaajo wuxuu doonayaa Ra'iisul wasaare gadaal indha ku leh, taas micnaheedu waa in aan la arkeyn, madaxweynuhu lagama caqli yaro." Ayuu yiri Cabdullahi Maxamed Cali Sanbalooshe.

Sidoo kale Sanbaloolshe ayaa sheegay in Kursiga Raiisul Wasaaraha ee haatan la magacaabin uu yahay mid ka maqan saamiga Beesha Hawiye ee siyaasadda Soomaaliya, maadaama siyaasadda dalka ay tahay mid ku dhisan 4.5.

"Kursiga Raisul Wasaaruhu waa banaan yahay micnaheedu Hawiye ayaa miiska siyaasada iyo talada ka maqan”Ayuu yiri Taliye Sanbaloolshe oo sii hadlayay.

Madaxweyne Farmaajo oo dhaleeceyn kala kulmayay waddadii loo maray ridista xukuumaddii Kheyre ayaa haatan wajahaya mid hor leh oo kaga imaaneyso dhinaca mucaaradka, taasoo ku aadan soo daahida magacaabista Ra'iisul Wasaaraha. 

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 20 September 2020 14:00

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa dhawaan shaaciyay inay magaalo kasta oo kamid ah Galmudug loo sameyn doono Golle degaanka, si shacabka ay usoo doortaan hogaamiyaasha ay doonayaan, oo aan dusha looga keenin.