Sanbaloolshe oo beeniyay warar laga faafiyay

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali ‘Sanbaloolshe’ ayaa baaniyey warar laga abuuray oo shegaya inuu ka baxay garabkii Mucaaradka.

Warar Keydmedia Online
Sanbaloolshe oo beeniyay warar laga faafiyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdullaahi Maxamed Cali ‘Sanbaloolshe’ oo soo noday Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa waxba kama jiraaan ku tilmaamay warar laga faafiyay oo ku saabsan inuu taageeray muddo korosiga labada sano ah.

Agaasimihii hore ee NISA, oo xalay boqolaal qof kula hadlay aaladda Clubhouse, ayaa si adag ula hadlay dadka ka so jeeda Gobolka Banaadir, shacab iyo siyaasiyiinba, waxuuna musharixiinta Muqdisho, ugu baaqay in wax isku oggolaadan maalinta doorashada, si looga fogaado in  ay mar dambe dhacdo middii 2017.

Warkaan oo guubaabo ahaa ayaa dhanka kale loo rogay, waxaana la diyaariyay qoraal laagu sheegayo in  Sanbaloolshe, taageeray muddo kordhinta, isla markaana uu sheegay in aan waxba laga sugin Golaha Midoowga Musharixiinta.

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda, oo arrintaas ka hadlaya ayaa yiri, “Waxaan arkay warar meelaha lagu soo qoray oo sheegaya in aan si aad ah u dhaliilay mucaaradka isla markaasna aan ku baaqay in Farmajo iska jooga waxaan cadeynayaa in uu warkaasi yahay waxba kama jiraan iyo been abuura la iga faafiyey. Aniga mowqifkeygu waa cadyahay oo waa in Farmajo iyo damaciisa xukun boob ka ah dalka laga badaadiyo oo si cad oo aan gambasho la heyn looga hor yimaado”.

Dhanka kale Sanbalolshe, wuxuu si weyn u so dhaweeyay kulankii shalay ay beelaha Hawiye ku yeesheen Muqdisho, wuxuu yiri, “Waxaan si weyn u boogaadinayaa una taagerysanahay mowqifka mucaaradka iyo go-aanka shir weynaha Hawiye ee maanta lagu qabtay muqdisho oo hal ku dhiigiisa ahaa no extension.”

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].