Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?
Ciyaaryahankaan oo kasoo jeeda dalka Chile ayaa waxa uu shaaciyay in uu jeclayahay maalinba maalinta ka danbeysa in uu hor mariyo qaab ciyaareedkiisa.
“waxaan doonayaa doonayaa in aan ku guuleesto koobab badan, hadafkeyga koowadna waakaa, waxaana taa ii sahli kara u dheelida Barcelona,” sidaa waxaa yiri Alexis Sanchez
Alexis Sanchez oo 22-sano jir ah ayaa waxa uu weerarka uga dheelaa kooxda Udenese isaga oo sheegay in xilli ciyaareedka soo socda kahor uu daneynayo in uu gaaro garoonka ay ku ciyaarto Barcelona ee dalka Spain.
Inkasta oo ciyaaryahanku uu daneynayo Baarcelona waxaa si aad ah u doondoonaya kooxda Manchester City ee dalka Ingiriiska.
Gino Pozzo, oo ah wiil uu dhalay milkiilaha kooxda Udinese, Giampaolo Pozzo, ayaa dhawanahaan waxa uu sheegay in aysan jirin wax ku qasbaya Sanchez in uu ugu wareego kooxaha Barcelona ama Manchester City.
Keydmedia Sport
Add comment
Comments