Saraakiil Al-Shabaab ah oo duqeymo lagu dilay

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa fuliya duqeymo lagu beegsanayo hoggaamiyeyaal sar-sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta geeska Afrika.

Warar Keydmedia Online
Saraakiil Al-Shabaab ah oo duqeymo lagu dilay

MUQDISHO - Taliska ciidamada AFRICOM oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay weerar ka fuliyeen agagaarka halka loo yaqaan Saaxa Weyne, Soomaaliya, maalinimadii khamiista 7, January 2021.

Qiimeyntii ugu horreysay ee ciidamada AFRICOM ayaa lagu yiri “Qiimeyntu waxay muujineysaa in duqeynta lagu dilay shan xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaashii la bartilmaameedsaday ee kooxda” sidoo kale qiimeynta ayaa lagu sheegay in qof rayid ah aysan kasoo gaariin wax-yeello intii ay socotay duqeynta, “Duqeyntan waxaa lala beegsaday hoggaamiyeyaal caan ah oo Al-Shabaab ah oo fududeenayay maaliyadda, hubka, dagaalyahannada, iyo waxyaabaha qarxa” ayaa lagu yiri warbixinta.

Mid ka mid ah dadka lagu dilay duqeynta ayaa looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa weerar hore oo ka dhan ah ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya” ayuu yiri Maj. Gen. Dagvin Anderson oo ka tirsan ciidamada isku dhafka ah ee howl galka fuliyay.

Ciidamada AFRICOM ee ka dagaallama aagga Soomaaliya ee inta badan weerarada la eegta kooxda xag-jirka ah ee Al-Shabaab ayaa waxay geystaan qasaaro baaxad leh oo dadka shacabka ah ay qeyb ka yihiin, horay ayey hay’ad u doodda xuquuqda aadanaha usoo jeedisay in ay ciidaada Mareykanku siiyaan mag-dhaw dadkii ay ku wax yeelleeyeen intii ay howl-gallada ka wadeen Soomaaliya.

Ciidadama waddanaka Mareykanaka ayaa billaabay duqeymo joogta ah, iyagoo ku guda jira in ay ka baxaan Soomaaliya una guuraan waddamada dariska la ah Soomaaliya ee Kenya iyo Jabuti halkaasoo ay ku leeyihiin saldhigyo milatari.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.