NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Waxaa halkaasi ku dhintay saraakiil ciidan iyo dad shacab ah, iyadoo sidoo kale halkaasi ka dhashay dhaawac badan.
Faah faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax Ismiidaamin ah, kaasi oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa isku qarxiyey halka laga soo galo garoonka C/laahi Ciise, waxaana halkaa ku sugnaa saraakiil ciidan iyo dadweyne isku diyaarinayey soo dhoweyta Ra'iisul wasaare Rooble.
Waxaa halkaasi ku dhintay saraakiil ciidan iyo dad shacab ah, iyadoo sidoo kale halkaasi ka dhashay dhaawac badan.
Saraakiisha halkaasi ku dhimatay ayaa kala ah:
Sida ay sheegeen dad goobjoogyaal ah, ninka is qarxiyey ayaa damacsanaa in uu gudaha usoo galo garoonka balse waxaa is hortaagay askarta ammaanka.
Ra'iisul wasaare Rooble ayaa la filayey in halkaasi lagu soo dhoweeye islamarkaana uu dadweynaha kula hadlo.
Gaalkacyo ayaa waxaa kusoo badanaya falalka amni darri, iyadoo qaraxyo iyo dilala qorsheysan ay kusoo kordheen magaaladaasi.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments