NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Weerarka ayaa ka dhacay duleedka degaanka Balanballe oo ku dhaw degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
GURICEEL, Soomaaliya - Saraakiil militeri ayaa lagu laayay weerar gaadmo ah oo lagu qaadey Kolonyo ay ku safarayeen gudaha gobolka Galgaduud, ee bartamaha dalka Soomaaliya Maanta oo Arbaco ah.
Mas'uul katirsan Wasaaradda Amniga Galmudug, oo la hadlay Keydmedia Online isagoo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in rasaas lagu furay Ciidanka xili ay marayeen tuuladda Cagfaroge oo u dhexeeya Guriceel iyo Ballanballe.
Waxay kolonyada la weeraray ka timid Xerada Militeri ee Xoosh, oo ku taalla degmada Guriceel, waxayna kusii jeeday Balanballe.
Inta la ogyahay 4 Sarkaal ayaa ku geeriyoodey weerarka, iyadoo 3 kalena ay ku dhaawacmeen tacshiiradda, kuwaasoo loo qaadey Isbitaalka Guriceel, iyadoo aan la ogeyn Kooxda ka dambeysay falkan.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay taliska guutada 21aad ee Ciidanka xoogga dalka oo ka howlgala gobollada Galgaduud iyo Mudug. Labadan gobolka oo Galmudug ka kooban tahay ayaa ka jira colaad beeleed iyo dagaallo lagula jiro Al-Shabaab.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments