Saraakiil iyo siyaasiyiin ka hadashay weerarkii Tuuryare

Saraakiil iyo siyaasiyiin si kulul uga hadlay weerarkii xalay lagu qaaday taliyihii hore ee Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Janaraal Tuuryare

Warar Keydmedia Online
Saraakiil iyo siyaasiyiin ka hadashay weerarkii Tuuryare

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyihii hore Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayey xalay ciidamo loogu magac daray Duufaan oo ku sugnaa meel udhaw isgoyska Mirinaayo ayaa waxay ku rasaaseeyeen laba gaari uu watay Tuuryar.

Haddaba weerarkiisi oo u muuqday mid si ulakac ah loo abaabulay ayey ciidamadu ku rasaaseeyeen labadii gaari ee uu watay Taliyihii hore ee NISA, warbaahinta ayuu la wadaagay sida ay wax u dhaceen, isagoo sheegay in loo qorsheeyay in la dilo!

General Maxamuud Macalin Koronto oo ka tirsan saraakiisha militariga Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay rasaastii xalay lagu furay gaadiidkii uu la socday General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare. waxa uu sheegay in rasaastii xalay uu maqlay aysan ahayn mid ku dhacday si kama' ah “Wax si kedis ah ku dhacay maaha, run ahaantii aniga waan maqlayay xabadaha oo meesha gurigeyga ayaa ka dhow, waxaan u aragnaa daan-daansi beryahaan socdaya,” ayuu yiri General Koronto.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa isna tilmaamay sida uu falkaasi uga xun yahay, waxa uuna sheegay in daandaaniga Farmaajo uu yahay mid qof walba uu arko, kuna baraarugi doono "Waxaan canbaaraynayaa falka weerar ee lagu qaaday taliyihii hore ee Nabadsugida Qaranka Generaal C/raxmaan Tuuryare. Waxaan joognaa xilli madaxweyne kii uu xilka ku wareejiye ka baxsan la’yahay iyo taliye nabadsugid oo kii ka horeeyey xabadaynayo. Wax kale maaha ee waxay cadayn u tahay dhaqanka hoggaamiye kooxeednimo Farmaajo iyo kooxdiisa. Daandaansiga Farmaajo iyo kooxdiisa waa mid qof walba soo jeedinaya." ayuu yiri Hoggaamiye CC Warsame.

Xildhibaano ay kamid yihiin Mahad Salaad iyo Cabdullaahi Maxamed Nuur oo kawada tirsan mudanayaasha Golaha Shabka BJFS aya si isku mida uga hadlay falka weeerarka Taliyihii hore ee NISA iyagoo ku eedeeyay madacweyne Farmaajo in uu adeegsaday maleeshiyo laga keenay Gobolka Gedo "Maleeshiyada magaca Duufaan wadata ee Farmaajo Gedo ka keenay, caawana ku xabadeeyay Gen Tuuryare Isgooska Mirinaayo waxay ku nuuc yihiin kuwii Gen Biixi hoggaamin jiray 1989/1990 ee Qorilow dadkiina ku xasuuqi jiray, dumarka uurka lehna inta dooxaan ilmaha ka soo ridi jiray. Waxaan idin leenahay qaraabooy yaan la idin dagin ee deegaankiina ka soo ceyriya Dufaantaan inta goori goor tahay!" ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.