Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo isku dhiibay Dowladda

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay isku soo dhiibeen saraakiil ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab, kuwaas oo xiriir la sameeyay saraakiisha ciidamada xoogga ee howl-gallada ka wada Koourta Gobolka Galgaduud.

Warar Keydmedia Online
Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo isku dhiibay Dowladda

GURICEEL, Soomaaliya - Laba dagaalyahan oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab ayaa isku dhiibey ciidanka qeybta 21-aad ee xoogga dalka oo fadhigoodu yahay Galgaduud.

Maxamed Nuur Barre iyo Mowliid Cumar Faarax, ayaa xiriir la soo sameeyay dadka degaanka, ka hor inta aysan ka hor tagin ciidanka Dowladda.

Sida ay sheegeen Cabdulaahi Cabdi Raage oo ka tirsan saraakiisha NISA ee Galmudug iyo Gaashaanle Dhexe Cabdulqaadir Maxamed Cartan oo qayb ka ah saraakiisha qaybta 21-aad, xubnaha Al-Shabab ee isa soo dhiibay ayaa la soo dhaweeyay, waxaana lagu hayaa goob gooni ah.

Labadaan xubnood ee ka soo goostay kooxda  Al-Shabaab, ayaa xusey in kadib markii ay arkeen dhibaatada iyo xasuuqa kooxdasi ku heyso Shacabka Soomaaliyeed ay go’aansadeen in ay isaga soo baxaan.

Koofurta Gobolka Galgaduud, waxaa ka socda howlgallo culus oo ay wadaan Ciidanka qalabka sida, kuwaas oo ka dhan ah Al-Shabaab, taas ayaaana keentay in horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan ay ka soo goostaan kooxda xiriirka la leh Al-Qacida.

KEYDMEIDA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.