Saraakiil katirsan Al-Shabaab oo la qabtay

Waxaa soo kordhaya xubnaha Al-Shabaab ee howlgallada lagu qabanayo, iyadoo Ciidanka dowladda iyo AMISOM ay wadaan guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Saraakiil katirsan Al-Shabaab oo la qabtay

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliye sare oo katirsan DANAB oo lagu magacaabo Maxamed Suleymaan ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidanka ay howlgallo ka fuliyeen Hiiraan iyo labada Shabeelle, kuwaasoo lagu beegsadey saldhigyo Al-Shabaab leedahay.

Wuxuu xusay in howlgallada ay kusoo qabteen Madaxii Maaliyadda Gobolka Hiiraan Xasan Yuusuf  Cali, Madixii  Waxbarashada Dumarka ee Degaanka Ceelcade Cali Cabdulle Jilacow, iyo Madixii Sakada Al-Shabaab ee Gobolada Shabeelloyinka  Cabdullahi Isxaaq Xuseen.

Ma uusan sheegin taliyaha dhanka Ciidanka dowladda khasaaraha kasoo gaarey howlgallada, laakiin wuxuu tilmaamay inay Al-Shaabab dharbaaxo xoog leh ku dhufteen, iyagoo ka burburiyay saldhigyo, sidoo kalena ka qabtay dhowr Sarkaal.

Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay weerarada ay ku qaadayaan Al-Shabaab, maadaama la doonayo wadanka inay doorasho ka dhacdo bisha soo socota, amnigana walaac laga qabo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.