NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Saraakishan ayaa la filayaa in ay macluumaad bixiyaan.
Waxaa la helay labo sarkaal oo la socday saraakiishii shalay lagu dilay Galmudug ee ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.
Howlgal baadigoob ah oo ay sameeyeen ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 21-aad ayaa waxay kusoo heleen Labadan sarkaal oo lagu kala magacaabo: Laba Xidigle Qalbi Indha-taag iyo gaashaanle Warsame Xassan.
Weli macluumaad intaan ka badan lagama helin saraakiishan nolosha lagu helay, balse waxaa la filayaa in ay faah faahin ka bixiyaan wixii dhacay.
Kolonyada ayaa la weeraray xili ay kasoo baxday Guriceel, oo Saraakiisha ay kusoo qaateen tababar, islamarkaana ay kusii jeedeen degaanka Balanballe, oo isla gobolka katirsan.
Deegaanada Galmudug loogama baran iney ka dhacaan falalka noocan oo kale ah, misne saraakiil loo dilo aano qabiil.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments