Saraakiil lagu Xiray Magaalada Hargeysa

Hargeysa(KON)-Ciidamada Maamulka Soomaaliland ee Magaalada Hargeysa ayaa Xalay Xabsiga Dhigay Saraakiil ka tirsan Maamulka Soomaaliland oo lagu eedeeyey in ay soo Abaabuleen Weeraradii ka dhacay Magaalada Hargeysa.
Warar Keydmedia Online
Saraakiil lagu Xiray Magaalada Hargeysa

Ilaayo Afar Sargaal oo ka mid ah Ciidamada Maamulka ayaa Xabsiga loo tixaabay ka dib markii Madaxtooyada Soomaaliland ay Amartay in la soo xiro.

 Keydmedia online  ayaa heshay Magacyada Saraakiisha lagu Xiray Magaalada Hargeysa ee Gobolka Waqooyi Galbeed.

1: Gaanshaanle Naasir Qalinle

2: Saleebaan Xuseen

3: Xasan Maxamuud

4:Gaashaanle Guure Biriq

Saraakiishaan ayaa waxaa lagu eedeeyey in ay ka danbeeyaan Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Hargeysa oo ay wax ka soo Abaabuleen.

Waxaana jira wali Khilaafka Xoogan ee u dhaxeeya Xisbiga Talada haya Ee Kulmiye oo Cirka isku Shareeray.

Keydmedia online - Xafiiska Muqdisho