Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?
Bishaan Agoosto Gudaheeda, ayaa Saddex Gaari oo ah Nooca Dagaalka lagala goostay Ciidamada Dowladda ee ku sugan Degmada Baled-Xaawo, waxaana Gacanta loo galiyay Kooxda Al-Shabaab.
Col. Cabdi Buule Cabdille oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo oo Keydmedia Online la hadlay, ayaa shaagay in Gaari Dagaal, Nooca Soomaalida u taqaano (Cabdi Bile) Shalay loo gacan galiyay Al-shabaab, waxaana ka dhex-dhashay Ciidanka Kala Shaki weyn oo midba midka kale iska ilaalinayo.
Cabdi Buule ayaa sheegay in Gaariga lala goostay uu ka waday Xerada Ciidanka Beled-Xaaw, sidaasina loogu geeyay Al shabaab. Rag ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ku socda Baaritaano, kadib markii looga shakiyay inay Xariir laleeyihiin Al-shabaab.
“Hore sidoo kale Dad aan ka tirsaneeyn Ciidamada ayaa Gaadiid dagaal kala goostay Ciidamada oo Al-shabaab u Gacan galiyey, waxaas ma dhaceen haddii Saraakiisha qaar ee Ciidanka DFS aysan la lahayn Al-shabaab Xariir hoose oo wadashaqeyn ah”ayuu yiri Cabdi Buule.
Dhamaadkii Sadandkii hore 2013, ayaa Saldhig Ciidan oo ku yaalla Degmada Baled-Xaawo laga siidaayay Sarkaal kamid ah Ajaanibta ka barbar dagaalama Al shabaab, iyadoo Arintaas dhalisay Muran & Tuhun Cirka isku shareeray oo u dhaxeeya Saraakiisha Ciidanka Militariga DFS ee Gobolka Gedo.
Keydmedia Online – Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments