Saraakiisha Gaadiidka gurmadka : Wadooyinka haloo furo gaadiidka gurmadka

MUQDISHO(KEYDMEDIA)Saraakiisha gaadiidka gurmadka Dag dag ah ee ka howl gala magaalada muqdisho ayaa waxa ay ka dalbadeen dhinacyada ku dagaalamaya magaalada muqdisho in ay u furaan wadooyinka gaadiidka gurmadka xiliyada dagaalada ay socdaan.
Warar Keydmedia Online
Saraakiisha Gaadiidka gurmadka : Wadooyinka haloo furo gaadiidka gurmadka

“ Shidaal badan ayaa nooga baxa wadooyinka qarda jeexa ah, waxaan ka codsaneynaa kooxaha dagaalamaya in ay wado noo  furaan si aan shacabka  gurmad ugu fidino” sidaa waxaa yiri Dr C.qaadir C.raxmaan Xaaji Aadan oo  ka tirsan madaxda gaadiidka gurmadka dag dag ah.

Hadalkan ka soo baxay saraakiisha gaadiidka gurmadka dag dag ah ayaa waxa uu imaanayaa xili magaalada muqdisho ay ka socdaan dagaalo xoog leh oo u dhaxeeya dowlada oo amisom taageera ka heleysa iyo Alshabaab.

Dagaalada ayaa waxa ay sababeen in magaalada Muqdisho ay laba qeybood u kala jabto isla markaana ay adkaato in ay isu gudbaan dadka ku kala nool labada dhan ee kooxaha dagaalamaya ay ka kala taliyaan

 WWW.KEYDMEDIA.NET