Saraakiishii xalay la laayay oo lagu aasay Muqdisho

Saraakiishii xalay lagu laayay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay saldhigga booliska degmada waaberi ayaa lagu aasay magaalada Muqdisho 

Warar Keydmedia Online
Saraakiishii xalay la laayay oo lagu aasay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - AUN waxaa maanta magaalada Muqdisho Saraakiishii xalay lala eegtay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay saldhigga degmada Waaberi ee gobolka Benaadir.

Taliyihii saldhiga Booliska Degmada Waaberi iyo Taliye ku xigeenkii qeybta booliska Waliyow Cadde ayaa goor dhaw lagu aasay Isbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa kasoo qeyb galay aaska, iyagoo uga tacsiyeeyay qiysaskii iyo ehelladii ay ka baxeen marxuumiinta.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.