Saraakiishii hore ee Dalka: Halis baa ku soo wajahan badda Soomaaliya

MUQDISHO(KEYDMEDIA)Taliye ku xigeenkii hore ee badda Soomaaliya ee xukumadii Maxamed Siyaad Barre Faarax Gurxan Cali oo shir jaraa’id oo kaga hadlayay arimaha badda Soomaaliya ku qabtay magaalada Cape Town ee dalka K/Africa waxuuna aad u taabtay halista ku soo fool leh badda Soomaaliya hadii aanan laga hortagin.
Warar Keydmedia Online
Saraakiishii hore ee Dalka: Halis baa ku soo wajahan badda Soomaaliya

Faarax Gurxan Cali ayaa sheegay in muqadas ay tahay badda Soomaaliya lana ogyahay cabirkeeda waxkasto oo ku saabsan badda somaaliya waa ay qoran yihiin waala lama tab taan sidaas waxaa yiri  mr.gurxan  hadii tuulo ku taal  xuduuda Kenya la yiraahdo  waa ladhiibay waa la kacayaa maxaa badda looga hadli la yahay ayuu is weydiiyay waxaa inagu yar aqoonta aan u leenahay  baddeena iyo qeyraadka dhax yaala ayauu hadalkiisa ku daray.

Mr.faarax waxa uu kusoo biiray ciidanka badda somaaliyeed sanadii 1964tii wuxuuna ka soo shaqeeyay arimaha  badda wuxuu magaaloyinka kismaayo iyo moqdhisho wuxuu ahaa injineerkii  badda ee kismaayo  intii u dhaxeysay 1971-1973 dii  wuxuuna kagaaray darajo wey dhanka bada  xiligii ugu danbeeyay ee dowldii dhaxe burbeysay wuxuu ahaa abaan duulhii ciidamada badda.

Dhanka kale wuxuu aqoonyahana iyo  suxufiyiinta ugu baaqay in ay ka hadlaan  arintan xasasi ga ah ee uu ku tilmaamay bililiqoda qaawan ee badda somaliya loo geysanayo  wuxuuna digniin u diray dadka ku mash quul san arinkan oo u yiri waxay qaadi doonan natiijada ka soo baxda  cawaaqibkeedda  xitaa waxay sahmeyn doon taa caruurtooda miyaysan aheyn muwaadiniin ayuu yiri kornel faarax gurxan  cali dadak gadanaya  dhulkooda iyo baddaba.

www.keydmedia.net