Horjooge ka tirsanaa Maleeshiyada Raas kambooni oo lagu Dilay Magaalada Kismaayo

Kismaayo (KON) - Kooxo Hubeeysan ayaa Xalay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ku Toogtay Horjooge ka tirsanaa Maleeshiyada Raas kambooni.
Warar Keydmedia Online
Horjooge ka tirsanaa Maleeshiyada Raas kambooni oo lagu Dilay Magaalada Kismaayo

Dilka ayaa ka dhacay Xaafada Calanleey ee Magaalada Kismaayo, waxaana Wararka ay sheegayaan in Horjoogahaan uu ahaa Taliyaha Maleeshiyaadka Axmed Madoobe ee Xaafada Calanleey.

Goobjoogeyaal ayaa Keydmedia Online u Xaqiijiyey in ay Dilka u geeysteen Saddex Ruux oo Bastoolado wata Xili uu ka soo baxay Saldhiga Xaafada.

Maleeshiyada Raas kambooni ayaa Durbadiiba Magaalada ka bilaabay Howlgallo Dad badan oo Shacab ah lagu qab qabtay.

Boqolaal ka mid ah Dadka Xaafada Calanleey oo Ganacsato u badan ayaa Xalay Maleeshiyadu Xabsiga u Tixaabtay, waxaana Caado u ah in markii laga Dilo Maleeshiyaad in ay Raafaan Dadka Shacabkaa ee aan wax galabsan.

Ma jirto Cid sheegatay Mas’uuliyada Horjoogahaas ka tirsan Maleeshiyada Axmed Madoobe.

Keydmedia online – Xafiiska Muqdisho