Sarkaal Al-shabaab ah oo lagu dilay J/dhexe

Al-shabaa ayaa weeraro kala kulanta ciidanka Soomaaliya iyo kuwa saaxiibadooda ah.

Warar Keydmedia Online
Sarkaal Al-shabaab ah oo lagu dilay J/dhexe

Taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey duqeyn dhanka cirka ah oo diyaaradahooda ka fuliyeen degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in howlgalaan uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana ay ku dileen sarkaal sare oo Al-shabaab ah, sidoo kalena ku dhaawaceen mid kale, bale magaca sarkaalkan la dilay faahin kama aanay bixin.

Sidoo kale, AFRICOM ayaa sheegtay in ay xaqiijiyeen in duqeyntaasi aanay waxyeello kasoo gaarin dadka shacabka ah.

Al-shabaab dhankooda kama aanay hadlin duqeyntan lala eegtay xubno iyaga ka tirsan.

Maraykanka ayaa sanadkan 2020 waxa uu aad u xoojiyey duqeynta dhanka cirka ah ee uu la eeganayo saraakiisha iyo ciidamada Al-shabaab, wallow ciidankiisa uu bilaabay inuu Soomaaliya kala baxo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.