Sarkaal Al-Shabaab ka tirsan oo la qabtay

Sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu qabtay deegaan jihada Waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland.

Warar Keydmedia Online
Sarkaal Al-Shabaab ka tirsan oo la qabtay

KISMAAYO, Soomaaliya - Sida lagu shaaciyay warbaahinta dowladda, ciidanka amniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa hawlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaan waqooyiga kaga beegan magalada Kismaayo ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Jubbaland ku soo qabtay madaxii Macluumaadka kooxda Al-Shabaab.

Sarkaalkan ayaa magaciisa lagu sheegay Aadan Maxamed Dhakalow, waxa uuna kooxda u qaabilsanaa macluumaadka, isagoo si gaara ugu xil saarnaa deegaanada hoos yimaada dhulka ay maamusho Jubbaland.

Aadan Maxamed Dhakalow, Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo u qaabilsanaa Macluumaadka

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.