Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya oo la dilay

Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa goor dhaw lagu dilay magaalada Muqdisho, Sarkaalka ayaa lagu dilay degmada Hodan ee gobolka Benaadir.

Warar Keydmedia Online
Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya oo la dilay

MUQDISHO, Soomaaliya - Gashaanle sare Mahad Ali Elmi oo loo yaqaanay Mahad Dollar ayaa daqiiqado kahor lagu dilay magaalada Muqdisho, Marxuumka ayaa ka tirsanaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxa uuna ku sugnaa xilliga la dilayay degmada Hodan ee Gobolka Benaadir. 

Koox ku hubeysan bastoolado ayaa waxay ku toogteen isla dagmadii uu ka howl gali jiray ee Hodan, waxayna ka baxsadeen goobtii uu falku ka dhacay iyadoo aan cidina qaban, ciidanka dowladda ee ka howlgala saldhigga Degmada Hodan ayaa gaaray goobta uu falku ka dhacay, waxaana daqiiqado xirnaa isku socodka goobta uu falku ka dhacay, iyadoo mar dambe laga qaaday meydka Sarkaal Mahad Doolar.

Inta badan falalka dilalka nuucan oo kale ah ayaa ka dhaca guud ahaan 17 -ka degmo ee gobolka Benaadir, mana jiro qorshe cad oo ku sabsan sidii ammaanka gobolka wax looga qaban lahaa, kooxda Al-Shabaab oo ku caan baxday falalka nuucan oo kale ah ayaan maaro loo hayn, hadba qofkii ay doonaan ayey si toosa ugu dilaan halka uu ku sugan yahay, mana muuqato awood ciidan oo dowladda ah oo looga hortagi karo dilalka qorsheysan ee nuucan oo kale ah kuwaasoo dhaca xilliyo kala duwan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.