Sarkaal ka tirsan milatariga Somaliland oo xabsi lagu xakumay

Sarkaal ka tirsan milatariga Somaliland oo xiriir wicitaan lasoo sameeyay qof ku sugan magaalada Muqdisho ayaa muteystay in xabsi laba sano ah lagu xakumay!

Warar Keydmedia Online
Sarkaal ka tirsan milatariga Somaliland oo xabsi lagu xakumay

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda ciidamada millatariga Somaliland ayaa maanta laba sano oo xabsi ah ku xukuntay Korneyl Jaamac Doolaal oo kamid ahaa ciidamada milatariga Somaliland.

Maxkamadda ayaa korneylka ku heshay waxa ay ugu yeertay danbi ah in uu xiriir taleefan la sameeyay shakhsi ku sugan Soomaaliya, isla markaana uu kala hadlay arrimo qoys, taas oo ay maxkamaddu ku tilmaantay danbi, maadaama Soomaaliland ay ku dhawaaqday in ay ka go'day Soomaaliya, balse aanay ogolaan Soomaaliya.

Sidoo kale, Maxkamaddu waxay dib u celisay in Korneyl Doolaal uu ku kacay khiyaano qaran iyo Kacdoon ciidan, kadib markii cod sir ah oo ay soo bandhigtay xeer ilaalinta ciidanku ay caddeyn wayday in uu yahay codkii saxda ahaa ee Korneyl Doolaal.

Maamulka Somaliland ayaa xabsi, xarig iyo hanjabaad isugu dara dadka shacabka ah, saraakiisha ciidamda iyo siyaasiyiinta ku sugan dhulka Somaliland, dhowr mar oo hore ayaa xabsiga la dhigay wiilal dhallinyaro ah oo calanka Soomaaliya ku dhex xirtay magaalada Hargeysa.

Shalay waxay ciidamada Booliska Somaliland ee magaalada Hargeysa ku xireen Sabaax Cabdi Ibraabim, oo ah xaaska Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa kaddib markii ay Facebook -ga kusoo qortay qoraal kaga hadlayso arrimaha Soomaaliya, iyadoo madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ku eedeeneysa khilaafka siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa magaalada Burco ku xiran maalintii lixaad xabsiga dhexe ee Magaaladaasi Nimco Xasan Caydiid, oo loo haysto fal dembiyeed ah inay sawir ku gashay calanka Buluuga ah ee Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].