Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay J/dhexe

Howlgalkaan ayaa ahaa mid gaar ah oo ay cidanka DANAB fuliyeen.

Warar Keydmedia Online
Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay J/dhexe

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka DANAB ayaa howlgal ay a fuliyeen deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe waxa ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa Kooxda Al-shabaab.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay deegaanka Carabow oo qiyaas ahaan 50-km u jira degmada Bu'aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe.

Saraakiisha ciidanka DANAB ayaa sheegay in ay dileen sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Jubbada Dhexe, kaasi oo lagu magacaabayey Xasan Sufiyaan Qooreey.

Waxa ay sidoo kale sheegeen saraakiishan in ay halkaasi waxyeello ku gaarsiiyeen xubno Al-shabaab ah, kuwaasi oo ka mid ahaa ilaalada sarkaalkan la dilay.

Argagixisada Al-shabaab, weli dhankooda wax war ah kama aanay soo saarin sarkaalkan la sheegay in laga dilay.

Ciidanka DANAB ayaa howlgallo gaar ah ka fuliya deegaannada ay Kooxda Al-shabaab kaga sugan yihiin gobollada dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.