Sarkaal ka tirsanaa Al-shabab oo isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya

Sarkaalkaan oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Xasan ayaa ka howlgeli jiray tuulooyin hoos taga degmada Qansax-Dheere ee gobolka Baay. 

Warar Keydmedia Online
Sarkaal ka tirsanaa Al-shabab oo isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Qansax-Dheere ee gobolka Baay galabnimadii Arbacada.

Sarkaal kaan oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Xasan ayaa ka howlgeli jiray tuulooyinka hoos taga degmada, waxaa uuna ku hubeysnaa xilliga uu isku soo dhiibayay qoriga noociisa yahay AK-47, iyo booshashshkiisa.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in sarkaal kaan ay haatan gacanta ku hayaan, islamarkaana ku wareejin doonaan dowladda Soomaaliya, si loogu gudbiyo qeybta wacyi gelinta xubnaha shabaabka ah ee isku soo dhiibo dowladda.

Ururka Al-Shabaab oo ku xooggan meelo ka mid ah gobolada Baay iyo Bakool ayaa mararka qaar weeraro xooggan ku soo qaado fariisimaha ay ciidamada Dowladda ku leeyihiin deegaanadaas, waxaana ugu dambeeyay weerarkii dhawaan lagu dilay taliyihii deegaanka iyo booliska Goof-guduud ee duleedka Baydhabo.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.