Sarkaal lagu dilay Gaalkacyo

Nin kamid ah Kooxda dilka geysatay ayaa gacanta lagu soo dhigay.

Warar Keydmedia Online
Sarkaal lagu dilay Gaalkacyo

GAALKACYO, Soomalaiya - Booliska Puntland ee ka howlgala waqooyi Gaalkacyo ayaa xaqiijiyay in xalay lagu dilay magaaladda Sarkaal Dembi-baarista katirsanaa oo lagu magacaabo jiray Cumar Maxamed Samatar.

Col Muumin Cabdi Shire, oo ah taliyaha Booliska Mudug qeybta Puntland maamusho ayaa sheegay in rag bistoolado ku hubeysan ay toogteen Sarkaalka xili uu gurigiisa kusii jeeday, oo ka yimid goobtiisa shaqada.

Wuxuu intaasi ku daray in Ciidanka ay ku guuleystay in mid kamid ah saddexd qof ee dilka ka dambeysay gacanta lagu soo dhigay halka kuwa kale oo Mooto Bajaaj ku baxsatay lagu raad-jooggo.

Waqooyiga Gaalkacyo waxaa ka dhacayay mudooyinkii dambe falalka lidi ku ah amniga, oo dilal iyo qaraxyo isagu jira, kuwaasoo lagu khaarijiyay Mas'uuliyiin sare oo gudoomiyihii Mudug kamid yahay.

1-dii bishii lasooo dhaafay, Koox hubaysan ayaa Waqooyiga Gaalkacyo ku dilay wariye Jamaal Faarax Aadan oo ka mid ahaa wariyeyaasha gobalka Mudug.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.