SAWIRRO: Sidee looga ciiday Maanta gobollada Soomaaliya?

Amniga ayaa caqabad ku ah isdhex-galka bulshadda iyo Madaxdooda, khatarta Kooxda Al-Shabaab ayaa cid walba saameysay dalka Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
SAWIRRO: Sidee looga ciiday Maanta gobollada Soomaaliya?

MUQDISHO, Soomaaliya - Inkastoo uu jira Xanuunka Covid-19, haddana dadka Soomaaliyeed oo adkaysi badan u leh dhibaatooyinka ayaa si farxad leh ku ciiday Maanta meel walba oo dalka kamid ah.

Rooble iyo Mas'uuliyihiinta dowladda, oo uusan Farmaajo ku jirin ayaa Saaladda Ciidul Fitriga ku tukadey Masjid ku yaalla gudaha Villa Somalia, sababo amni sanadkan Masjidka Isbahaysiga oo looga bartay madaxda ma aysan soo aadin.

Madaxweynaha Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa Maanta isaga iyo xubno katirsan Xukuumadiisa iyo Baarlamaanka shacabka kula tukaday Salaada Ciida masjidka INJI ee Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Salaada ciidul Fitriga saakat kula tukaday boqolaal shacab ah iyo mas'uuliyiin kala duwan Madaxtooyada Maamulkiisa ee ku taalla Magaalada Jowhar.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta-Gareen ayaa isna gudaha Madaxtooyadda maamulkiisa ee Baydhabo kula tukadey Salaadda Ciida mas'uuliyiin iyo shacab aan aad u badnayn.

Muuse Biixi, Madaxweynaha Maamulka Somaliland iyo Madax kale ayaa Maanta Salaadda Ciidul Fitriga kula tukadey dadka shacabka ah Masjid ku yaalla Magaaladda Hargeysa.

Jubaland iyo Puntland sida looga ciiday sawirro ku saabsan ma jirin sababtoo ah Madaxda Shacabka lama tukan Ciida, waana labo maamul oo iska shidaal-qaata, si dhaw isagu xiran.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.