Saxafiyiinta Muqdisho oo Qaadacay Xeerka Saxaafada

Muqdisho (KON) - Shir Maanta ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho in ka badan 50 Saxafi ayaa waxaay ka doodeen Xeer Cusub oo ay Anisixiyeen Golaha Wasiirada oo lagu xakameynayo Saxaafada iyo Suxufiga.
Warar Keydmedia Online
Saxafiyiinta Muqdisho oo Qaadacay Xeerka Saxaafada

Dhamaan Wariyeyaasha Kulanka ka qeyb galay ayaa ka soo hor jeestay Xeerka Saxaafadda oo aan si Qota dheer looga fiirsan kaas oo loo arkay in lagu Caburinayo Saxaafadda Xortaa ee la doonayey in dadka Soomaaliyeed Garaadkooda lagu dhiso oo hor loogu qaado.

Shirkaan ayaa Shaqsiyaadka ka soo  Qeybgalay waxaa ka mid ahaa  Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, waxayna gareysteen in dhaliisa Suxufiyiintu tahay mid aan Dhagaha laga fureysan karin oo u baahan in dib logu noqdo xeerka loona arka mid Qabyaa.

Xildhibaanada Max’ed Cumar Dalxa iyo Daahir Amiin Jeesow oo kulanka qudbado ka jeediyay ayaa sheegay in aysan Baarlamaanku Ansixin doonin Xeer lagu Caburinayo Saxaafadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa asna Shirka ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ururka Qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSO Maxamed Bashiir Xaashi.

Keydmedia.net