Saxiixa Heshiiskii Doorashada oo u xayiran khilaafka Somaliland

Cabdi Xaashi ayaa laf-dhuun gashay ku noqday Rooble, oo kasoo shaqeeyay heshiiska doorashadda.

Warar Keydmedia Online
Saxiixa Heshiiskii Doorashada oo u xayiran khilaafka Somaliland

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdi Xaashi ayaa noqday caqabadda ugu weyn saxiixa heshiiska doorashadda Soomaaliya, kaasoo lagu waday Maanta inay ka dhacdo Afisyooni.

Warar hoose oo KON helayso ayaa sheegaya in Cabdi Xaashi la qanciyay, balse xubnaha garabka uu hogaamiyo oo ay kamid yihiin Maareeye iyo Xuseen Carab Ciise ay ka diideen tirada xubnaha laga siiyay gudiyadda doorashadda.

Rooble markii uu la kulmay Cabdi Xaashi wax walba uu dalbaday ayuu u yeelay, waxaa la siiyay 6 xubnood gudiyadda doorashadda, si uu uga soo qeybgalo xafladda saxiixa heshiis, laakiin is bedelay daqiiqadii ugu dambeysay.

Farmaajo markii uu Cabdi Xaashi tagi waayay Afisyooni, isna ma uusan tagin, waxaana hawada laga saarey dhamaan tebintii tooska ahayd ee TV-yada sameynayeen, iyadoo lla qarinayo fashilka xafladda ku yimid.

Madaxdii hore - Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa gurigiisa ugu tagay Cabdi Xaashi, waxayna kasoo dhaadhiciyeen saacadihii hore ee Maanta inuu tago xafladda, waana ka aqbalay, haddana ma uusan tagin goobta.

Xafladda ayaa u muuqata inay baaqanayso, waayo waxay ka gudubtay waqtigii loo qorsheeyay oo gelinka hore ee Maanta, iyadoo hadda xili dambe sii noqonayso oo martida ay billaabeen inay isaga tagaan Teendhada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.