Sh. Shaakir: Hub iyo Ciidan Muqdisho laga keenay baa lagu dumiyay Guriceel

Ahlu Sunna ayaa Galmudug ku wareejisay Guriceel iyo hub ay uga qabsatay dagaalladii ay la galeen, waxayna Kooxda hadda u baxsatay degaanno duleedka ku yaalla oo wararku ay sheegayaan inay kawado abaabul Ciidan.

Warar Keydmedia Online
Sh. Shaakir: Hub iyo Ciidan Muqdisho laga keenay baa lagu dumiyay Guriceel

GURICEEL, Soomaaliya - Sheekh Shaakir ayaa soo saarey qoraal uu uga hadlay dagaalkii afarta maalin qaatay, ee ka dhacay todobaadkan magaaladda Guriceel, ee gobolka Galgaduud.

Wuxuu sheegay in magaaladda lagu burburiyay hub iyo ciidan laga keenay Muqdisho, isagoo arintaas ku tilmaamay nasiib darro usoo hoyatay Soomaaliya, oo laga hurinayo dagaal sokeeye.

Sheekh Shaakir ayaa xusay in Ahlu Sunna ay Guriceel uga soo baxday codsi uga yimid bulshada degaanka, Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada, si loo badbaadiyo inta hartay, maadaama magaaladda burbur iyo barakac kasoo gaarey duulaanka Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug.

Qoraalka Sheekh Shaakir ayaa ka muuqday in Ahlu Sunna aqbashaday in miiska wadahadalka lagu dhameeyo khilaafka sababay dagaalka Guriceel, isagoo hoosta ka xariiqay inay fulinayaan baaqdyada beesha Caalamka iyo bulshada Soomaaliya ee ah inay nabada qaataan.

Ahlu Sunna ayaa Galmudug ku wareejisay Guriceel iyo hub ay uga qabsatay dagaalladii ay la galeen, waxayna Kooxda hadda u baxsatay degaanno duleedka ku yaalla oo wararku ay sheegayaan inay kawado abaabul Ciidan.

Hoos ka akhris qoraalka Sheekh Shaakir oo bartiisa Facebook soo dhigay:

Bismillaah, Alhamdulillaah.

Waxaan marka koobaad u tacsiyanayaa dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkii isbaheysiga gardarrada ahaa ee lagu soo qaaday degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxaana leeyahay, "intii naga dhimatay Rabbi hasiiyo naxariistiisa janno, intii naga dhaawacantayna rabi hanoo caafiyo"

Waxaana aad uga xumahay in magaalada Guriceel hub iyo ciidan Muqdisho laga keenay lagu dunshay goobahii caafimaadka, ganacsiga iyo meelahii bulshada muhiimka u ahaa, waana nasiibdarro Somalia usoo hoyatay in Saanadii qaranka lagu gubay guryahii ummada , lagu qaxiyay shacbigii magaalada Guriceel ee nagu soo dhaweeyay si nabad ah.

Waxaan rabaa in aan u sheego umada Soomaaliyeed in aan markii horeba soo dhawaynay baaqyadii nabadda iyo wada-hadalka iyo in aysan dhicin dagaal aan kan shabaab lagula jira ahayn, waxaana u caddaynayaa ummadda somaaliyeed in aan soo dhawaynay mar labaad baaqyada ka imaanayay Culimada , Cuqaasha , Ganacsatada , Siyaasiyiinta , Midawga musharaxiinta iyo beesha caalamka annaga oo tixgalineyna Shacbigeena.

Waxaan dadka Soomaaliyeed u caddaynayaa in aan Guriceel uga baxnay Codsi nooga yimid Culimada, Ganacsatada , bulshada rayidka senataro iyo Siyaasiyiin reer Galmudug ah ,Waxay kaloo naga codsadeen in aan ku wareejino labadii gaari ee lagu xasuuqay dadkii lagu laayay deegaanka Bohol in aan ku wareejinno iyaga waana ku wareejinnay.

Waxaan ku ballannay in aan degno deegaanka Bohol oo markii horeba ahaa deegaankii nalagu soo weeraray.

Waxaan kaloo ku ballannay in wax walba oo jira lagu dhammeeyo wada hadal iyo xal nabad ah, waxaana aqbalnay dhamaan codsiyadii nooga imaanayay beesha Caalamka iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn waxaan mahadcelin u dirayaa shacbigeenna marwalba nagu garabtaagnaa nabadda iyo difaaca deegaanka iyo dadka laga difaacaya kooxahaha argigixisada ah walina garabkeenna taagan, waxaana uga tacsiyeeynaynaa waxyeelladii ka soo gaartay duullaankii gardarrada ahaa ee lagu soo qaaday guryahooda, hantidooda ayadoo la adeegsanaya awooddii dowladnimada Somalia.

Waxaan marwalba u taagnaanahay nabadda iyo in aan awoodda dowladeed si qaldan loo isticmaalin, waxii khaldama lagu saxo wada hadal , dagaal aan kan shabaab aheena dhacin , dadkeenana aysan ku seexan walwal ay ka qabaan argigixisada .

Cid walba oo nabad jecel ayaan marwalba garabkooda nahay iyo cid walba oo nagu garabsiineysa dagaalka argigixisada Al Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.