Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Sheekh Bashiir Bucul oo Maamulka Kooxda Shabaab Al-qaacida Kismaayo ugu magacaaban Madaxa Tacliinta iyo Dacwada oo Ganacsatada kula hadlaayay xarun ku taalo bartamaha magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu sheegay in lagaaray xiligii qofkii Jihaadka ka meer meera hantidiisa iyo xoolihiisa xoogg looga qaadan lahaa, isagoona Ganacsatada ugu baaqay inay fadhiga ka kacaan oo qof walba uu keeno wixii uu awooda hadii kale aan la is baryi doonin.
Wariyaha Keydmedia oo afaafta hore ee halka uu Kulanka ka socday kula hadlay qaar ka tirsan Ganacsatadii la soo qasbay ayaa waxaa ay u sheegeen in ay jiraan Ganacsato qaarkood oo dil loogu hanjabay kuwaasoo lagu eedeeyay inaysan Jihaadka wax taageera ah aysan u fidinin.
Guuda ahaan Ganacsatadii Kulankaasi ka qeyb gashay aad ayay u wal walsanaayeen waxaana ay sheegeen inaysan garaneynin meel ka raadiyaan tageerada Maaliyadeed ee keena la dhahay.
Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo
Add comment
Comments