Shabaab lagu laayay Howl-wadag (Masawiro)

Muqdisho (Keydmedia) - Ciidamo wada jir ah oo kasocda dowlada KMG Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ayaa saaka waxa ay werar qorsheysan ku qaadeen fariisimo kooxda Shabaab ay kulahaayeen degmada Howlwadag ee gobalka banaadir halkaas oo dagaal saacado qatay kadib ay kula waregeen difaacyadii shabaaka.
Warar Keydmedia Online
Shabaab lagu laayay Howl-wadag (Masawiro)

Dagaalkaasi oo intii uu socday leesu adegsaday hub cul culus ayaa markii uu istaaga kadib waxaa ciidamadadii dowlada ee dagaalka ku jiray ay soo bandhigeen laba dhalin yara ah oo ay sheegeen in ay kadileen kooxda Shabaab.

Weerarka saaka ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ay kula waregeen fariisimihii Al-shabaab ee degmada Hodon ayaa sidoo kale waxa uu sababay qasaare soo gaaray dadka rayidka ah, waxaana gudoomiyaha degmada Howl-wadaag uu sheegay mar uu lahadlayay Keydmedia in ay sii wadayaan dagaalka ilaa laga saarayo magaalada oo dhan.

Si kastaba dagaalkaan ayaa waxa uu qeyb kanoqonayaa dagaalada dowladu ay horay u shaacisay in ay ku balaarineyso goobaha ay kataliso, mana jirto wax war ah oo wali ay kasoo saareen kooxdsa Shabaab dagaalkii gaadmada ahaa ee saaka looga awooda roonaaday inkasta oo guul darada Shabaabku waayihii danbe ay isi soo tareysay

www.keydmedia.net

____

Waxaan u aragnaa Waxashnimo in Meyd Dhulka lagu jiido, siiba adoo Sheeganaya DOWLAD!!! (R'ayiga Keydmedia)