Shabaab oo laga Saaray Suuqa Xoolaha

Ciidamada TFG-da iyo kuwa Amisom ayaa saakay la wareegay Suuqa Xoolaha iyo Xero Maslax kadib markii ey weerar ku qaadeen fariisimo ay Kooxda Alshabaab ku lahaayeen degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Shabaab oo laga Saaray Suuqa Xoolaha

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay la wareegeen suuqa xoolaha iyo xero Maslax oo xarun u ahayd ciidamada Alshabaab.

Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho.

Jugta madaafiicda iyo rasaasta ayaa la sheegay inlaga maqlayo deegaano badan oo dhinaca waqooyi ka xiga magaalada Muqdisho.

Dadka ku nool degmada Balcad ayaa soo wajahday cabsi iyo walwal kadib markii ay ku soo dhowaadeen jugta madaafiida la is weydaarsanayo.

Illaa iyo hadda lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkan hase yeeshee waxa ay u muuqataa in dhul hor leh ay ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom ay qabsanayaan.