Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaalia oo lagu Magacaabo Max’ed Faarax Indha yare ayaa Keydmedia u xaqii jiyey in Gacan ku haynta Deegaanka Geedweyne oo hoostaga Degmada Doolow ee Gobolka Gaddo ay la wareegeen Ciidamada Huwantaa.
Weerarka Maanta ayaa waxaa ka dhashay Qasaaro aan si rasmi ah loo cayimin,balse wararka qaar ay sheegayaan in ay ku dhinteen 3 ruux oo la sheegay in ay ka tirsanadeen Maleeshiyada Al-shabaab.
Xaalada Deegaanka Geedweyne ayaa hada dagan oo ka duwan sidii ay maanta ahayd,inkasoo weerarada nuucaan oo kale ah aysan ku cusbeyn Deegaanada iyo Degmaayinka Gobolka Gaddo.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments