Shabaab oo weerar ka geysatay Deegaanka Libooya kenya

NAIROBI(KEYDMEDIA) Sida uu saakay daabacay wargeysaka Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee Caasimada kenya ciidamo ka tirsan kooxda shabaab ayaa shalay waxa ay weerar ka fuliyeen deegaanka Libooya kenya oo ku yaala xadka ay wadaagaan Soomaali iyo kenya.
Warar Keydmedia Online
Shabaab oo weerar ka geysatay Deegaanka Libooya kenya

Weerarka ayuu sheegay Wargeyska in kooxda shabaab ay ka fuliyeen saldhig boolis, waxaana uu xusay inaanu wax qasaara ah sababin, isagoona intaasi ku daray in xadka ka soo gudbeen xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo kenya .

Madaxa ciidanka booliska ee gobolka waqooyi bari Leo Nyongesa ayaa sheegay inay soo gaartay cabasho la xiriirta dhinaca ammaanka, iyagoo ku wargeliyay dadka deegaankaasi inay feejignaadaan..

Alshabaab ayaa xiliya hore waxa ay weeraro ceynkan oo kale ah ka geesteen deegaanka Libooya kenya, waxaana weerarkan uu ku soo beegmay xili dowlada kenya ay todobaadkan sheegtay war iyo wacaal in ay ka la'dahahay askar kuweeda ah oo xadka ku sugnaa.

WWW.KEYDMEDIA.NET




Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.