Shabaab oo Xalay Markale Hoobiyaal Ku Weeraray Kismaayo

Kismaayo (KON)- Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaab ayaa xalay markale tiro Hoobiyaal ah ku soo weeraray fariisimaha ay Ciidamada Dowladda, Raaskaambooni iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin Dhismaha Jaamacada magaalada Kismaayo, ayadoo ay warar kala duwan ka soo baxayaan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.
Warar Keydmedia Online
Shabaab oo Xalay Markale Hoobiyaal Ku Weeraray Kismaayo

Ilo wareedyo ku suggan goobta ay xalay ku soo dhaceen tirada hoobiyaasha ah ayaa KON u sheegay inuu jira khasaare dhaawac oo Ciidamada Kenya ka soo gaaray weerarkaasi madaafiicda ah, mana jiro ilaa hadda wax dhimasha ah oo naloo xaqiijiyay.

Waxaa sidoo kale jiro tiro Hoobiyaal ah oo ku soo dhacay qaar kamid ah xaafadaha magaalada Kismaayo inkastoo aysan jirin khasaare dadka rayidka ah oo ka dhashay.

Meelaha xalay la weeraray ee magaalada Kismaayo waxaa ka mid ah hoolka la doonayo in lagu qabto shirka Maamul u sameynta Jubbooyinka, waxaana jira bur bur xooggan oo soo gaaray dhismahaasi.

Habeenadii ugu dambeeyay waxaa soo kordhaayay weerarada dhanka madaafiicda ah ee ay Shabaab u geysanayaan xarumaha Ciidamada huwanta ah iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin magaalada Kismaayo.

Keydmedia Online - Xafiiska, Kismaayo