Shabaabka Ceelbuur oo gacangoyn fuliyay

CEELBUUR(KEYDMEDIA) Kooxda Shabaab ee ka talisa degmada Ceelbuur ee gobalka Galguduud ayaa shalay galinkii danbe halkaasi ka fulisay xukun gacan goyn ah kaasoo gacanta looga jaray wiil dhalinyara ah.
Warar Keydmedia Online
Shabaabka Ceelbuur oo gacangoyn fuliyay

U qeybsanaha shabaab ee dhinaca xukunada ninka lagu magacaabo Saciid ayaa ka sheegay fagaaro dad badan oo la soo qasbay ay isugu yimaadeen in ninkan lagu helay fal xatooya ah wallow aanu goobta ka soo muuqan wax marqaati ah oo ku cadeeyay falkaasi.

Kooxda shabaab ayaa ku caanbaxday xukuno ay sheegayaan in sal looga dhigay diinta Islaamka laakiin si weyn u hareermarsan diinta muqadaska ah ee islaamka.

www.keydmedia.net