Shabaabka Kismaayo oo Baaritaan ku sameeya Dadka isticmaalo Aalada Internet-ka

Kismaayo (Keydmedia) - Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka ee Kismaayo ku suggan ayaa bilaabay inay dabagal iyo baaritaano xooggan ay ku sameeyaan Dadka isticmaala Internet-ka, iyagoona Qofkii ay arkaan isagoo Websites-yada Caalamka dhex mushaaxaaya ay qabanayaan islamarkaana ay xabsiga u taxaabayaan.
Warar Keydmedia Online
Shabaabka Kismaayo oo Baaritaan ku sameeya Dadka isticmaalo Aalada Internet-ka

Maleeshiyaad aad u fara badan oo wajiyada soo duubtay ayaa lagu arkayaa xarumaha Internet-yada ee ku yaalada magaalada Kismaayo, ayadoona raggaasi ay ku jiraan ragg ajaaniba ah oo takhasus u leh arrimaha aaladaan Internet-ka.

Arrintaan ayaa saameyn ballaaran ku yeelatay qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaana dadka sida gaarka ah u isticmaalo Internet-ka, waxaana saaa xiran dhow goobood oo laga isticmaali jiray Internet-ka ee magaalada Kismaayo.

Maleeshiyaadka ayaa waxaa ay baadi goobayaan dad ay sheegeen inay la shaqeeyaan dowladda TFG-da iyo sidoo kale wariyaal ka howlgala magaalada Kismaayo.

Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo