Shabaabka Lafoole oo shacab karbaashay

LAFOOLE(KEYDMEDIA) Shabaabka ka taliya gobalka Sh.hoose ayaa dad shacab ah waxa ay ku karbaasheen deegaanka Lafoole oo ka tirsan gobalka Sh.hoose.
Warar Keydmedia Online
Shabaabka Lafoole oo shacab karbaashay

Dadka la karbaashay ayaa tiradooda lagu sheegay 9 ruux oo dhalinyara ah iyadoona shabaabka ay ku eedeeyeen dadkaasi in ay ku kaceen falal anshax xuma ah oo aanay shabaabka raali ka aheyn.

Shacabka la karbaashay oo u badnaa dhalinyaro ayaa waxaa lagu karbaashay fagaare ay dad badan isugu soo baxeen kaasoo khamiis walba ay shabaabka geeyaan dad ay ku sheegeen danbiilayaal la ciqaabayo.

Inta badan dadka ay eedeeyaan shabaabka ayaa lagu sheegaa in ay yihiin dad ka dhaga adeegay u hogaansamida doonista iyo hamiga shabaab.

Www.keydmedia.net