Shabaabka oo laga Qabsaday Afgooye oo ku sii Qul Qulaya Gobbolada Jubbooyinka

Kismaayo (Keydmedia) - Maleeshiyaadkii Kooxda Shabaabka ee laga qabsaday degmada muhiimka ah ee Afgooye iyo deegaanada kale ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa ay ku sii qul qulayaan furumaha dagaalka ee gobbolada Jubbooyinka iyo gobbolka Gedo si ay u difaacdaan magaalada kaliya ay hadda gacanta ku hayaan ee Kismaayo.
Warar Keydmedia Online
Shabaabka oo laga Qabsaday Afgooye oo ku sii Qul Qulaya Gobbolada Jubbooyinka

 

Maleeshiyaadkaan oo aad u fara badan islamarkaana ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo baabuurta dagaalka ayaa waxaa ka muuqda niyad jab iyo rajo xumo ay ka qabaan inaysan sii dagalami doonin.

Frumaha dagaalka ee deegaanada Qooqaani, Xayo, Badhaadhe  ee gobbolka Jubbada Hoose iyo sdioo kale duleedka Baardheere ee gobbolka Gedo ayaa aad looga dareemaya Maleeshiyaadka ku soo biiraya.

Dad badan ayaa aaminsan in dhibaatadii iyo tacadiyadii ay kooxda Shabaabka ku hayeen shacabka Soomaaliyeed inay hadda sii dhamaanayaan, iyagoona raja ka qaba in dhaqamadii foosha xumaa ee shabaabka uu meesha ka siibaxaayo.

Keydmedia.net - Xafiiska Kismaayo