Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Kulanka maanta ayaa waxaa shabaab uga qeyb galay ninka ay u xilsaareen gobalka Banaadir oo isagu dhiigmiiratada kula hadlay kulanka, si aan toos aheynna ugu sheegaay in xoolahooda labaneysanayo hadii aysan ku dhiibin niyad furan iyo isxilqaamid.
“Lacagtiinna nagu taageera si aan dagaalka u sii wadno, hadii aadan nasiinna waxaan idiin sheegayaa, xoolihiinna waxaa laqaadanayaa ayada oo aan leydinkala tashan,” sidaaa waxaa ganacsatada u sheegay wakiilka Shabaabka ee gobalka Banadir.
Amarka Shabaabka ayaa waxa uu daba socdaa warar waayahaan leesla dhexmarayay oo sheegayay in ganacsatada Bakaaro ay suuqa ka guurayeen, lacagna ay dowlada siiyeen si ay suuqa goob dagaal uga dhigto, oo loo waayo qof ku ganacsata si Shabaabku ugu danbeynta iyana ay u baneeyaan.
Add comment
Comments