Shabaabkii ugu badnaa oo galay degaanada HirShabeelle

Al-Shabaab ayaa isku dayaysa inay carqaladayso doorashooyinka Soomaaliya ka dhacaya, waxayna labo jibaartay weerarada iyo dilalka ay ka fuliso magaalooyinka dawladda maamusho.

Warar Keydmedia Online
Shabaabkii ugu badnaa oo galay degaanada HirShabeelle

JOWHAR, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Amniga HirShabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab-kii ugu badnaa ay galeen degaankada maamulkiisa labadii todobaad ee ugu dambeeyay.

Wuxuu sheegay in HirShabeelle amnigeeda uu khatar ku jiro, islamarkaana ay suurtgal tahay inay Al-Shabaab carqaladayso doorashadda Maamulka ka dhacaysa sanadkan dhamaadkiisa, taasoo lagu soo dooranayo Xildhibaanada iyo Madaxweyne cusub.

Wasiir Maxamed ayaa xusay in Ciidanka dawladda ay Al-Shabaab kula dagaalamayaan degaanada u dhaxeeya Jowhar iyo Balcad, halkaasoo Xildhibaano iyo Mas'uuliyiin dhowr ah lagu dilay tan iyo sanadkii tagey.

Al-Shabaab ayaa kala jartay degmooyinka dawladda maamusho, oo ay go'aamin saartay si aan la isagu kala gudbin, waxayna taasi adkaysay safarkii dhulka, iyadoo mas'uuliyiinmta HirShabeelle ku khasabtay inay diyaarad u raacaan Muqdisho, oo 90-KM u jirta.

Amni darrada waxay qeyb ka tahay fashilka Farmaajo oo balan-qaadey xiligii doorashadiisii 2017 inuu Al-Shabaab Wadanka ka sifeynayo, islamarkaana uu dhisayo Ciidan qaran oo awood u leh hanashadda amniga.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.