Egypt releases Somalia girl who killed driver for attempted rape
Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jeesto), guddoomiyaha Alshabab ee gobolka Banaadir oo shalay salaadii ciida ka dib la hadlay boqolaal shacabka Muqdisho ah ayaa sheegay in dhibaatada ay ciidamada AMISOM u geystaan shacabka Soomaaliyeed mid la mid ah dhawaan laga dareemi doono caasimada dalalka Maraykanka iyo Ruushka oo uu ku sheegay inay soo dirsadeen AMISOM.
“Duqeymaha ay ciidamada AMISOM ka geysnayaan Muqdisho, ee lagu laayo dadka Soomaaliyeed, waxaan ugu aargudi doonaan weeraro aan la beegsanno magaalooyinka New York iyo Moscow,” ayuu yiri Cali Jeesto
Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale uga digay waalidiinta Soomaaliyeed inaysan caruurtood u ogolaan in dibada qaab waxbarasho loogu qaado, maadaama buu yiri caruurtaas laga dhigo kuwo askar noqda iyo kuwa xubnaha taranka ee jirkooda laga baxsado.
“Waxaanu aragnay caruur badan oo waxbarasho ahaan loogu qaaday dalalka Uganda iyo Jabuuti oo markii lagu soo celiyay Muqdisho la arkay iyaga oo aan xubnaha taranka qabin.” Ayuu yiri guddoomiyaha Alshabab ee gobolka Banaadir.
Alshabab oo dagaalo xoogan kula jirta ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa dhowr jeer ooh ore ugu baaqday Soomaalida qurba jooga ah inay ka qeyb qaataan waxay ugu yeeraan Jihaadka Soomaaliya.
Qore: Maxamed Cabdi - Xogta: ALSHAHID
Add comment
Comments