Shababka Oo Bililiqo U Geystay Hoyga Imaamka Hiraab

Shabeelaha Hoose (Keydmedia) - Koox ka tirsan Maleeshiyaadka Shabaabka ayaa duhurnimadii maantay xoog ku galay guriga uu degmada Cadale ee Shabeelaha Hoose ku lahaa Imaamka Beelaha Mudulood Imaam Maxauud Imaam Cumar.
Warar Keydmedia Online
Shababka Oo Bililiqo U Geystay Hoyga Imaamka Hiraab

Qof ku sugan degmada Cadalle oo na weydiistay inaan magaciisa la sheegin ayaa Warsidahaan Wadanka.com u sheegay in Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan Shabaabka isla markaana watay baabuurta dagaalka ay yimaadeen guriga Imaamka oo ku yaalla duleedka degmada Cadalle, kadibna ay gudaha u galeen.

Dhowr ruux oo isugu jira rag iyo dumar guriga joogay qaarkoodna Imaamka ehelkiisa ah ayay Maleeshiyaadka Shabaab xirxireen, waxayna isugu geeyeen qeyb ka mid ah guriga iyagoo markaa kadibna baaritaan ku sameeyey guriga, sida ilo wareedka magaciisa diiday uu noo sheegay.

Intaa kadib ayey ciidamada Shabaab bilaabeen inay rartaan matooro isugu jiray kuwa waraabka iyo kuwa dabka dhaliya oo guriga yaalay, waxay sidoo kale qaateen qoryo gacmeed guriga lagu ilaalin jiray.Labo gaari oo kuwa yar yar ah oo guriga Imaamka yaaley ayaa sudoo kale la xaqiijiyey inay guriga ka qaateen Maleeshiyaadka Shabaabka ee guriga Imaam Maxamud Imam Cumar galay maanta.

Lama sheegin wax dhibaato ah oo ay gaarsiiyeen dadkii guriga joogay ee qaarkood Imaamka eheladiisa ah, mana cadda inay siidaayeen iyo in kale maadaama weli guriga ay ku sugan yihiin kooxda Shabaabka.

Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ah imaamka guud ee beelaha Mudulood oo hadda ku sugan Muqdisho ayaa xaqiijioyey jiritaanka warkan wuxuuna sheegay in saacadaha soo socda uu faahfaahin ka bixin doono weerarka Shabaabka ku qaadeen hoygiisa degmada Cadalle oo ah deegaanka uu Imaamku ka soo jeedo.

Dhacdadan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo labo maalmood ka hor Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ku sugan Muqdisho uu hadal ka jeediyey kulan lagu taageerayey ciidamada DKMG iyadoo Imaamku kulankaasi uu ku habaaray Shabaab, wuxuuna Imaamku ku eedeeyey Shabaab inay dadkii Soomaaliyeed nabada u diideen.