Shabakad qaraxyada iyo dilalka fulin jirtay oo la qabtay

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in howlgalka uu ka dhacay magaaladda Gaalkacyo, gaar ahaan dhanka waqooyi oo maamul ahaan hoostaga Puntland.

Warar Keydmedia Online
Shabakad qaraxyada iyo dilalka fulin jirtay oo la qabtay

GAALKACYO, Soomaaliya - Xubno katirsan Al-Shabaab, oo gaaraya 7 ayaa lagu qabtey howlgal ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo, sida ay sheegeen Saraakiisha booliska Puntland.

Waxay ahaayeen shabakad argagaxiso, oo tan iyo 2018 qaraxyada iyo dilalka ka fulinaysay gobolka Mudug, oo u kala qeybsan maamul ahaan Galmudug iyo Puntland, islamarkaana mudo dheer ay dagaallo ka socdeen.

Maarso 2020, Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa lagu dilay Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur.

Qaraxan oo ay sidoo kale lagu dilay seddax kamid ah ilaaladii guddoomiyaha ayaa ka dhacay irida xarunta gobolka. Qofka is qarxiyay wuxuu watay bajaaj walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.