Shacab aanooyin qabiil loogu dilay Hiiraan iyo Galgaduud

Maleeshiyaad hubeysan, ayaa saaka siyaabo kala duwan dad rayid ah ugu dilay gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Warar Keydmedia Online
Shacab aanooyin qabiil loogu dilay Hiiraan iyo Galgaduud

BALANBAL, Soomaaliya – Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maleeshiyo beeleed hubeysan ay waabarigii hore ee saaka labo dhallinyaro ah ku dileen degaanka Balli-hood oo u dhaxeya Guriceel iyo Balanbal.

Guuleed Cabdqani Guuleed iyo Cabdirisaaq Cilmi Geryare, ayaa shalay ka safray Muqdisho, waxayna ku sii jeedeen degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana la xaqiijiyay in loo dilay aano qabiil.

Dhallinyaradaan la dilay ayaa ka mid ah ardaydii sanadkaan ka qalin badalatay dugsiga sare, waxaana la soo warinayaa in kooxda dilka geysay ay afduubteen dhallinyaro kale.

Shalay ayay ahayd, markii degaanka Mira-cawleed oo hoos-taga magaalaada Galinsoor, lagu dilay ugu yaraan 10 ruux oo intoodaaba ka soo jeedaan Caabudwaaq, kadib markii ay isku dhaceen Maleeshiyo labo dhinac ah oo ku sugan aagga Galinsoor.

Sidaas oo kale, Maleeshiyaad hubeysan ayaa weerar ku qaaday dad beeraley ah oo ku sugnaa tuulada Banka oo u dhow degaanka Kabxanleey oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxaana halkaas laga soo sheegayaa geerida ugu yaraan shan ruux.

Sida ay xaqiijiyeen dadka Kabxanley,  Khaliif Xassan Cadde, Maxamed Bishaar Afeey, Nuure Barre Cilmi, Maxamuud Cabdi Barey iyo Cameey Cabdi, ayaa dhawaan meydkooda laga helay beeraha degaanka.

Falkaan ayaa qudhiisu salka ku haya aanooyin qabiil, waxaana dhawaan magaalada Baladweyne la geeyay dad dhaawac ah.

Xiisado Colaadeed ayaa ka tagan maanta tuulada Banka, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan, oo looga hor tagayo isku dhacyo hor leh.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.