Shacab ku dhamaaday qarax ka dhacay Xudur

Ugu yaraan lix ruux ayaa ku dhintay qaraxa, halka labo kalena ay ku dhaawacmeen. 

Warar Keydmedia Online
Shacab ku dhamaaday qarax ka dhacay Xudur

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 6 ruux ayaa ku geeriyootay halka labo kalena ay ku dhaawacmeen qarax Miino oo galabnimadii Isniinta ka dhacay duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Dadka geeriyooday ayaa la sheegayaa in ay labo ka mid ah ahaayeen walaalo, waxeyna saarnaayee Mootoda nooca labo lugaaley-da ah oo dadka waddaas ku safra inta badan raacaan.

Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay meel Xudur 25km kaga beegan dhinaca waqooyi halkaasoo ay marto wadada xiriirisa magaalooyinka Ceelberde, Quracjoome iyo gobolka Hiiraan.

Dadka Mootada saarnaa ee geeriyooday ayaa waxaa ku jiray Culimo la sheegey inay ku socdeen guri lagu casuumay oo qur’aan ay ka akhrin lahaayeen, sida uu Keydmedia Online u sheegay mid ka mid ah ehelada dadka geeriyooday.

Dadkan ayaa saaka lagu aasayaa tuulada Banjinaay oo 15-km u jirta magaalada Xuddur, halkaasoo markii hore aheyd degaankii ay ka baxeen.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.