Shacab iyo Shabaab ku dagaalamay Gobolka Baay

Bardaale(KON)-Tuulooyin hoosyimaada Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa waxaa ku wada Dagaalamay Maleeshiyada Al-shabaab iyo Dad Shacab ah oo halkaasi ku nool.
Warar Keydmedia Online
Shacab iyo Shabaab ku dagaalamay Gobolka Baay

Dagaalka ayaa biloowday ka dib markii Al-shabaab Dadka ay ku Amreen in ay iska soo Aruuriyaan Lacag lagula Dagaalamo Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Wararkii ugu danbeeyey ee la gahelayo Degmada Bardaale Ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in wali Dagaalka uu socdo oo dadku ay Diideen Amarka Al-shabaab.

Khasaaraha Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka badan yahay ugu yaran 10 Ruux oo Shacab iyo Shabaab iskugu jira.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee ku sugan Degmada Bardaale ayaa Keydmedia online u sheegay in ay ku baxaay Dagaalka hakaasi ka dhacay.

Keydmedia online- Xafiiska Muqdisho