Shacab ku geeriyooday dagaalo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho(Keydmedia) Dagaal shalay galinkii danbe ilaa xalay fiidkii ku dhex marayay ciidamo ka tirsan Dowladda oo taageero ka helaya ciidamada shisheeye ee AMISOM iyo xoogaga mucaaradka ayaa sababay qasaara gaaray shacabka Soomaaliyeed.
Warar Keydmedia Online
Shacab ku geeriyooday dagaalo ka dhacay Muqdisho

Dagaalka oo madaafiic iyo hub kale leysu adeegsaday ayaa waxaa ku geeriyooday dad ku dhaw 10 ruux oo rayid ah kuwaasoo 4 ka mid ah ay ku geeriyoodeen madfac ku dhacay isgoyska H/wadaag ee magaalada Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay dagaalka in ka badan 10 ruux oo shacab Soomaaliyeed ah.

Saraakiil u hadashay dowladda ayaa ku faanay in ay dagaalka guula ka gaareen isla markaana dhinacyada ka soo horjeeda ay ka dileen dhawr askari isla markaana ay qoryaha ka qaateen.

www.keydmedia.net