Shacabka Mandhera oo dalbaday in laga saaro ciidanka wasiir Janan

Ciidankan ayaa garab ka helaya dowladda Kenya

Warar Keydmedia Online
Shacabka Mandhera oo dalbaday in laga saaro ciidanka wasiir Janan

Kulan ay isugu yimaadeen maanta shacabka ku dhaqan magaalada Mndhera ayey dowladda Kenya kaga dalbadeen in magaaladaasi lagaga saaro ciidanka wasiirka amniga Jubblanad C/rashiid Janan oo halkaasi ku sugan.

Waxa ay tilmaameen in ciidankan ay dul deggan yihiin beero ay dadkaan leeyihiin, sidoo kalena ay dhib ku noqon karaan amniga magaalada.

Dhanka kale maamulka Mandhera ayaa sheegay in dowladda u gudbiyeen cabshada dadkan, islamarkaana ay rajeynayaan in 24-ka saac ee soo addan laga soo jawaabo codsigooda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.